Baariyaam
Muuqaal
Baariyaam
Baariyaam (ingiriis: Barium) astaanta (Ba) waa curiye kimiko oo leh tiro atom konton-iyo-lix ah. Waa curiyaha shanaad (5) ee guruubka 2aad ee Diwaanka Curiye iyo birta loo yaqaano Birta Alkalineta Dhulka.
Curiyaha Baariyaam waa bir miisaan fudud leh, dhalaalaysa, midabka naxaasta oo madoow ah leh, isla markaan aad u firfircoon oo si dhakhso badan ula falgasha curiyayaasha ay la kulanto.
Si la mid ah xubnaha ay la guruubka tahay, lamaba helo atomyo Baariyaam xor ah, mar kasta iskudhis ayay ka mid tahay. Macdanta ugu badan ee Baariyaamta laga helo dhulka waa isku dhisyada Barite oo ka samaysan Baariyaam Salfayt (BaSO4) iyo Whiterite oo ah iskudhi Baarium-Kaarbonayt (BaCo3), kuwaas oo labaduba aan ku dhex milmin biyaha.
| Jadwalka Curiyayaasha ( Kaltanka Curiyayaasha) | |||||||||||||||||||||||||||||||
|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
| Qaybaha → | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | |||||||||||||
| ↓ Walxaha | |||||||||||||||||||||||||||||||
| 1 | 1 H |
2 He | |||||||||||||||||||||||||||||
| 2 | 3 Li |
4 Be |
5 B |
6 C |
7 N |
8 O |
9 F |
10 Ne | |||||||||||||||||||||||
| 3 | 11 Na |
12 Mg |
13 Al |
14 Si |
15 P |
16 S |
17 Cl |
18 Ar | |||||||||||||||||||||||
| 4 | 19 K |
20 Ca |
21 Sc |
22 Ti |
23 V |
24 Cr |
25 Mn |
26 Fe |
27 Co |
28 Ni |
29 Cu |
30 Zn |
31 Ga |
32 Ge |
33 As |
34 Se |
35 Br |
36 Kr | |||||||||||||
| 5 | 37 Rb |
38 Sr |
39 Y |
40 Zr |
41 Nb |
42 Mo |
43 Tc |
44 Ru |
45 Rh |
46 Pd |
47 Ag |
48 Cd |
49 In |
50 Sn |
51 Sb |
52 Te |
53 I |
54 Xe | |||||||||||||
| 6 | 55 Cs |
56 Ba |
* |
72 Hf |
73 Ta |
74 W |
75 Re |
76 Os |
77 Ir |
78 Pt |
79 Au |
80 Hg |
81 Tl |
82 Pb |
83 Bi |
84 Po |
85 At |
86 Rn | |||||||||||||
| 7 | 87 Fr |
88 Ra |
** |
104 Rf |
105 Db |
106 Sg |
107 Bh |
108 Hs |
109 Mt |
110 Ds |
111 Rg |
112 Cn |
113 Nh |
114 Fl |
115 Uup |
116 Lv |
117 Ts |
118 Og | |||||||||||||
| * Lanthanides | 57 La |
58 Ce |
59 Pr |
60 Nd |
61 Pm |
62 Sm |
63 Eu |
64 Gd |
65 Tb |
66 Dy |
67 Ho |
68 Er |
69 Tm |
70 Yb |
71 Lu |
||||||||||||||||
| ** Actinides | 89 Ac |
90 Th |
91 Pa |
92 U |
93 Np |
94 Pu |
95 Am |
96 Cm |
97 Bk |
98 Cf |
99 Es |
100 Fm |
101 Md |
102 No |
103 Lr | ||||||||||||||||